Horn Relief Bander Beyla Solar Cooker Project

Return to previous page

Horseedka Tamarta Cadceeda Somalida

 

Maanta oo ay Taariiikhdu tahay 20 -11-05

 

Waxaa xafiska (Hon Relief) gadaalkiisa ka bilowday qaybrita (cadceed ku kariyaha) (solar cooking). Taasi oo ay si fiican uga soo qayb galeen. Dadweynah reer Bender Bayla kuwaa oo ay ugu deeqday (United Nations) qyna soo gaadhiitay. Hayada Horn Relief oo anigoo ah (Field Officer) Farax Maxamed Yusuf waxaan halkaas kaga saxiixayey dadkaa

heshiiska ay uga bahanaya hay'adu.

 

Waxaan halkan ugadhiney 16 qofs oo qalabkooda diyear ahaa. Hawshaagi waxay u dhacay si fiican.

 

 

Geedahaan ku noolnahay

Xoolahaa ku dareero

Dadkaa ku nooloo

Adoo daalan harkiisa ayaa daalka kaaga bašaa

Goyntu waa u darantahay, dalka yaa la xaalufin, cimrigiisa ha dabargoyn.

 

Saida

 

AppleMark

 

 

Dhirtu waa dhaqaalaha adduun dhaqanka aadamiga dhaayuhu haddii anay arkin waa dhimanayaan dhirta waa ku dhaartaa ninkii aqal dhisaayee waxaa lasuu gargaar lagu dhiifutiyo keebeda ganuuna leh haddii saanac loo helo dhirta laga samaya xeerada iyo fandhalkana dhirta laga sameeyaa loolaka iyo dhigta dhurta laga sameeyaa ee ha la dhowro dhirta. Ku waa samuun ah oo lagu dhaqaa dharka.

 

Dhirta hala dhowro hala dhaafoo yaa la jarin. Dhuxusha yaan laga shidine, oo hala dhaafo kataga oo qata bedelka nagaa hooya oo qaata solarka. Dhamaan dadka keenaya . Mahad baan u celinayaa hambalyo soo duxatay oo diina baan sidaa. Salaan soo baahday oo balaaran sidaa dhirta noo baaqatay sida waxaan dhagaya dhaayuhu waxay arkaan dhirtii oo la jarayo oo dhaawac lagula jiro.

 

Farhiya Faarax Jaamac

 

AppleMark

 

Dhulku waa mahuraan, Dhalintooy bal ogaada. Dhirta yaan la xumayn.

Dhibtiisa yaan lagu roorin. Dhiniciina ka joogaa. Dhowristiina ilaasha. Hadhkiisaad ku dhacdaa, midhihaad dhurataa, caleentaad dhisataa, dhaxantaad ka gashaa.

 

Farah Mohamoud Yusuf

 

 

Dhirtu waa hoyga dhaxanta. Dhirtu waa nolosha dadka. Dhirta waa quruxda dhulka.

 

Mohamed Adan Ahmed

 

AppleMark

 

Dhirta waan ku noolnahay, Xoolahaa Daaqa. Wadankay Qurxiyaan, dadkaa intifaacsada waxaa ka baxa laamo. Quruxbadan oo dadku ay ku nuursadaan.

 

Asiya Siciid Cumar

 

 

Dhirtu waa nolosheena indhuhu waa ku doogsadaan, dhalintooy aan dhowrno.

 

Khadra Cabdillahi Dhaqtar

 

AppleMark

 

Return to previous page